Cambaarta damaqeedu badan yahay waa cudru maqaarka ku dhaca oo imaanshihiisu aad u dawan yahay. Cudurka waxa lagu gartaa maqaarka oo engaga, finan iyo cuncun daran. Calaamaduhu had iyo jeer waxay yimaadaan da´da caruurnimada, laakiin nolosha muddoyinkeeda dambena way yimaadaan.

Sawiro: iStock

Ku saabsan maqaarka ee atopic (cambaarta)

CAMBAARTA DAMAQEEDU BADAN YAHAY waa cudur dabadheer oo soo noqnoqda oo lagu garto cuncun, maqaarka oo engaga iyo finan ka soo baxa meelo maqaarka ka mid ah, taas oo ku xidhan da´da qofku maraayo. In kasta oo cudurku daba dheeryahay, nasiib wanaag waxa jira daaweyn dhowr ah oo faa´ido laga heli karo.

HEERKA KHATARTU qof ilaa qof way ku kala duwantahay. Dadka qaada cambaarta damaqeedu badan yahay badankoodu finan yaryar iyo cuncun khafiif ah ayaa kaga dhaca meelo kooban. Haddii khatarta cambaartu badan tahay meelo badan oo maqarka ka mid ah ayuu ku dhacaa finanka iyo cuncunka darani.

XAQIIJINTA CUDURKA waxa goynaaya Dhakhtar iyada oo lagu salaynaayo bukaanka xanuunadiisa iyo shaybaadh maqaarka ah. Sida caadiga ah looma baahna baadhitaano kale, laakiin haddii Dhakhtarku ka shakiyo tijaabo maqaar (biopsi) ayaa finka laga qaadi karaa.

Cambaarta daran lama kala qaado.

Sabab

Sababta keenta cudurkacambaarta daran waxyaabo isku dhafan bay ka kooban tahay, si buuxdana looma koobin, laakiin waxan ognahay in sababta ay ka qeybqaataan arrimaha la xiriirra difaaca jirka, hidaha iyo bii´ada qofku deggan yahay.

Marka cambaartu jirto qofka waxa khafiifa difaaca maqaarka, taas oo kenaysa in markaa qofku aanu iska difaacin waxyaabaha kaga imanaaya agagaarka. Qofka qaba cudurka cambaarta waxa si fudud u saameeya waxyaabha ku hareereysan, wuxuuna sii daayaa qoyaan ka badan ka uu sii daayo maqaarka caafimaadka qaba, sidaa awgeedna ka engeganyahay. Difaaca maqaarka oo daciifa waxa u dheer in difaaca jidhkuna isbeddel ku yimaado iyada oo uu keensado finanka iyo cambaarta oo guduuta oo cuncuna. 

Maqaarka engagan ee cambaarta qaba had iyo jeer wuu cuncunaa, dad badanina way xoqaan taas oo difaaca maqaarka sii daciifinaysaa. Cuncunku waxa uu keenayaa xoqniin, taas oo keenaysa xoqniin, tann oo loo yaqaano wareega cuncun-xoqniinka (klø-klore-sirkelen). Qaabkan bay caanbaartu kuu sii xoogaysanaysaa, wado aan laga bixi karina qofku wuu gelayaa taas oo cambaartu noqonayso cudur daba dheer, khatarta ku dhalashada caabuqu maqaarkuna kordhaayo. 

Calaamadaha maqaarka maqaarka ee atopic (cambaarta)

Cudurka waxa lagu gartaa maqaarka oo engaga, finan iyo is-xoqid daran. Finanku way bararaan, casaadaan oo qolofeystaan. Marmarkaa qaar finanka biyaa galaa. Finanku markasta maqaarka way ku ooli karaan, marmarka qaarna way tegi karaan oo iman karaan. Dadka qaar xoqniinku waa ku khafiif oo meelo kooban buu kaga dhacdaa, dadka qaarna meelo badan buu kaga dhacdaa, iyadoo markaa leh xoqniin finan badan.

HAWEENKA EKSEMKA. Xaaladooyinka leh xanuun laacan iyo eksem waa midab kale oo ka duwan meelaha jirka oo dhan. Kuwa naaska ah ee afka leh, eksemku waxay muuqan doontaa midabada ah ama roosho. Dadka afka qaar leh, afka waxaa loo arkaa midab ay ku fiican tahay. Eksemku wuxuu sii daran yahay ka duwan jirka oo dhan, iyo eksemka waxaa loo arkaa liilin ama midabka xanuunka la gu dhigo.

GOOBTA. Dhallaanka (0-2 sano) waxa caadiya in cambaartu wejiga iyo dhinaca fidsan ee gacmaha iyo lugaha. Caruurta (2-12 sano) canbaartu waxay kaga dhacdaa slaalaabadka suxula iyo ruugaga. Dhallinta iyo dadka waaweyna canbaartu waxay kaga dhacdaa wejiga, cunaha iyo gacmaha.

 
Sawiro: Cyahay Qalabka Eydhiinka Atopiga ee caadiga ah oo ku yaala ilmo (upiga) iyo qof weyn (sida sare).

Immisa qof ayaa qaba cudurka maqaarka ee atopic (cambaarta)

Daraasadi waxay tusaysaa in qiyaastii afartii dhallan ahba mid (1) tobbankii 18-jirba mid ee ku nool Skandinavia (2) ay qabaan cambaar. Hase ahaatee daraasadaha cusubi waxay tusayaan in ku imaanshaha cudurka ee dadka waaweyn iyo caruurtu ay isku mid yihiin. Qiyaastii 70% ayaa qadaa cudurka ka hor intaanay saddex sano gaadhin, 30 % oo kuwan ka mid ah cambaartu way ka khafiiftaa intaanay gaadhin da´da dugsiga lagu bilaabo (3).

Saadaasha iyo daaweynta

SAADAL Cambaarta damaqeedu badan yahay waa cudur dabo dheer oo maqaarka ku dhaca, laakiin dadka qaar waxay dareemaan muddoyiin ay caanbartu ka tagto. Caruuro badan oo qaba cudurkaa cambaarta daran waxay, dhibaatadu way ku yartahay muddoday korayaan balse qaar ka mid ah dhibaatadaa cambaartuu way ku timaadaa xiliga dhalinyaronimda iyo markay da´da weyn galaan.

DAAWEYNTA. Waxa jiraa daaweyno wanaagsan oo loogu talogalay cudurka cambaarta, waxaana muhiim ah in daaweynta goor hore la bilaabo. Cambaarta waxa lagu daaweeyaa kiriimyo dufanka xejinaaya iyo kirrimyo kale, sida tusaale kiriimyada ay ku jirto kortison. Haddii caambaartu intaa ka culustahay, waxa loo baahanayaa in daaweyno kale oo dheerad qodka la siiyo sida daaweynta laydka ama daaweynta kiniinka/tallalkaa. Cambaarta dhexdheexadka ah waxa lagu daaweyn karaa Dhakhtarka joogtada ah, halka cambaarta ugu culus ama waxba ay ka tari waayeen daaweynaha hore loo baahanyahay in Dhahtarka maqaarku loo gudbiyo.

DAAWEYNTA GOOBTU waa kiriimka dufunka xejiya (kiriimyada, kiriimka dufanka leh, kiriimka maqaarka) daaweynta ugu muhiimsani waa tan. Daawooyinkan waa in jirka la mariyo dhowr jeer maalintii si looga hor tago maqaarka oo engega iyo cuncunka. Goobaha cambaarta waa in lagu daaweeyo kiriimada kortisonka ama daawada kalsine kalsineurinhemmere Kiriimyadan difaaca jirka hoos u dhigaayawaxay khafiifiyaan caabuqa maqaarka qaboojiyaana xoqniinka.

Akhriso wax ka soo baxa daawaynta cambaarta atopiga halkan (Noorwijiyaan).

  
Sawiro: Xuqnin badan oo isku meel lagu sameeyo waxa uu keeni karaa maqaarka uu adkaada. (lichenisering) (iStock). 

Maisha leh cudurka

Dad badan oo qaba cudurka cambaarta waxay u arkaan in samaayn yar ama badan ku timaado Tayada noloshooda. Waa muhiim in qorshe fiican ismarinta kiriimka loo yeesho, maqaarka sida ugu fiican loo dhayo. 

Talooyin ku saabsan si la isaga ilaaliyo in aan cambaartu ka sii darin

  • Iska ilaali in aad muddo dheer biyo kulayl ku qubaysatid ama dhexgashid.
  • Markasta oo aad qubaysatid/biyo dhexgashid kaddib ismari kiriimka dufanka leh.
  • Isticmaal dhar aan maqaarka dhibaato ku keenayn (sida dharka dhogorta laga sameeyey ama dharka madooyinka adag laga sameeyey).
  • Isticmaalkaa dhar hurdo oo khafiifa way yareeyaan in qofku hurdoda dhexdeeda isku xagto.
  • Istcimaalka faragashiyo xig ah habeenkii waxay khafiifiyaan in qofku hurdoda dhexdeeda isku xagto.
  • Cidiyaha oo la iska guraa waxay khafiifinayaan isxagashada.
  • In qolkaaga hurdada ka dhigtid mid hawo iyo nacow qaboobi marayso.
  • Xagga Xeebta Nabadda: Qalabka burburka oo la qaaday glycerol waa ku qaldan burburka xeebta qabta. Qab Xeebto marka loo baahan yahay. Isticmaal Biyo Qabow iyo sabuun aan adkeyn. Isticmaal kiriimyada dufanka dibna xeebaha la qabtay.

NIDAAMYADA DHEEFTA. Qofka qaba cudur dabo dheeraanaya waxa uu xaq u yelaanayaa in uu helo taageero uu ku soo qaato dhayitaan iyo daawooyinka Dkakhtarku qoro. Si wixii kharash ah dawladdu(folketrygden) kuugu soo celiso, marka hore waa in aad codsatid oo nidaamka laguu ogolaado, codsigaas oo uu gudbinaayo Dhakhtarkaaga maqaarka

Ka sii akhri xuquuqdaada marka uu ku hayo xanuun daba dheer!  

Haddii aad haysid su´aalo ku saabsan xuquuqdaada markad aad qabtid xanuun dabodheer, la soo hadal FFO telefoonkooda xuquuqda, Telefoonlambar +47 23 90 51 55.