Cudurka Urtikaria waa finan cuncun iyo ama xanuun leh, kuwaas oo marna yimaada, marna qarsooma. Cudurka dabada dheer ee urtikaria waxa lagu qeexay finan soo baxa maalmaha isbuuca intooda badan oo lix isbuuc in ka badana sidaa ahaada. Cudurka dabada dheer ee urtikaria wuxuu u yimaada ama si kedis ah oo dareen leh ama si aan dareen lahayn, labada noocna way kulmi karaan.

Sawir: iStock

Ku saabsan Cudurka dabada dheer ee urtikaria

Urtikaria oo magaca kale ee loo yaqaanaa waa cuncunyo. Waa cudur maqaar oo caadi ah oo lagu garto cuncun barar leh (finan) oo maqaarka ku dhaca. Cuncunyadu waxay ku dhici karaan meel kasta oo maqaarka ka mid ah, waxyaabo badan baana sababi kara tan. Waxa loo kala saaraa xaalad ba´an, xaalad dareen la´aan ku timaada oo daba dheeraata iyo xaalad cudurka urtikaria degdeg ugu yimaado.

Maqaarka cad, finanku waxay u muuqdaan basali ama casaan, halka maqaarka madow aan madibka casi muuqanayn. Waxay meelahani u muuqanayaan se u eeg maqaarka intiisa kale ama inyar bay ka yara cadaan karaan ama ka yara madoobaan karaan.

XAQIIJINTA CUDURKA waxa goynaaya Dhakhtar iyada oo lagu salaynaayo bukaanka xanuunadiisa iyo shaybaadh maqaarka ah. Madaama uu nooca cudurka urtikaria ee degdega ahi uu qofka dhaafi karo, marka aad Goobta Dhakhtarka joogtid markasta isku arki meysid calaamadaha cudurka. Sidaa awgeed waxa kuu fiican in aad marka cudurku kugu dhaco, aad sawir ka qaadid si aad Dhakhtarka u tustid ballanta dambe ee aad leedahay.

Cudurka lama kala qaado. 

Sabab

Cudurka Urtikaria waxa u ka dhashaa madooyinka qaar oo uu jirku soo daayo, sida histaminka, ku jira dhiigaaga. Marka soo deyntani ka dhacdo lakabyada sare ee dibedda, waxay tani keensataa finan. Inta badan war looma hayo sababta keenta cudurka dabada dheer ee urtikaria ama sababta ay finanku marmarka qaar u noqdaan dhibaato dabodheer. Cudurka dabada dheer urtikari xasaasiyad ma sababto, sidaa awgeedna in qiimeyn xasaasiyeed lagu sameeyaa  ma aha daruuri.

Cudurka dabada dheer ee urtikaria waxa loo qeybin karaa laba nooc:

  • Chronic spontaneous urticaria. Cudurka dabada dheer ee urtikaria lama kala qaadayo sababaha dibedda ah. Noocaan qiyaastii wuxuu ka koobnaan karaa 90% -ka xaaladaha cudurka dabada dheer ee urtikaria.
  • Chronic inducible urticaria. Cudurka dabada dheer ee urtikaria waxa sababa waxyaabo ku saabsan nolol iyo la xidhiidha, sida dhererka, barafka, quudka ama cadaadiska.

Cudurka iyo xadidida goobta u uku dhacay

CALAAMADAHA waxay maqaarka ugu muuqdaan iyaga oo finan ah. Finankani meelkasta oo maqaarka ka mid ah way ka soo bixi karaan. Waxay yeelan karaan midab basali ama casaana, ama midab maqaarka u eeg. Finanku meel xadidan bay ka soo baxayaan, iyagoo barar leh. Finanku waxay ku kala duwanaan karaan weynida, qaabka, baa bi´i karaan, haddana soo noqon karaan marar badan. Maqaarku/finanku waxa badanaa laga dareemaa cuncun, damaq, marmarka qaarna taabashadu xanuun ku tahay.

DEGDEG AMA DABODHEER. Marka Cudurka urtikaria degdega qofka ugu dhaco cuncunka iyo finanku waxay joogaan 12-24 saacadood, lakiin finanku baa´ baan oo soo noqdaan in ku siman 6 isbuuc. Haddii calaamaduhuu maalmaha isbuuca intooda badan ay jiraan, 6 isbuuc in ka badana sidaa ahaadaan waxa lagu tiriyaa in cudruka urtikariaee dabada dheeri jiro.

SOO BAX waxa uu iman karaa cudurka urtikaria. Soo baxu waa barar ku yimaada lakabyada hoose ee maqaarka, had iyo jeerna waxa uu ku yimaadaa daboolka indhaha iyo dibniha. Marka uu Soo bax jiro waxa caadi ah in qofku dareemo olol ama cadaadis halkii uu ka dareemi lahaa cuncun. Bararka soo baxu ilaa saddex habeen iyo maalmood buu jiri karaa.

  
Sawiro: Soo bax wejiga ah (dhinaca bidix) (angioedema), cudurka urtikaria oo ay sababtay xoqnin (dermographism) (dhinaca midig) (iStock). 

Immisa qof ayaa qaba cudurka urtikaria?

Cudurka dabada dheer ee urtikaria waa naadiry. Waxa la filayaa in 1% bulshadu ay qabto cudurka dabada dheer ee urtikaria, labanlaab ayuu dumarka ugu dhacaa marka ragga loo eego. Cudurku had iyo jeer wuxuu ku yimaadaa dadka waaweyn.

Cudurka degdega urtikaria da´ kasta wuu ku iman karaa, rag iyo dumarba. Qiyaastii 15-20 % bulshada ayaa qaadi doonta nooca degdega urtikaria mar ama marar dhowr ah oo nolosha ka mid ah. 


Sawir: cudurka urtikaria oo ku dhacay dhinaca dambe ee lugaha (iStock). 

Saadaasha iyo daaweynta

SAADAASHA way fiicantahay haddii daaweyn fiican la helo, la iskana ilaaliyo waxyaabaha dhalinaaya. Cudurku isagaa iska tagaa marka uu muddo isbuucyo, bilo ama sanado ah qofka hayo. Way adag tahay in laga bogsado nooca dabada dheer ee urtikaria, haddi keliya la iska ilaaliyo waxa dhalinaaya. Marmarka qaar waxa laga yaabaa in aanad garanayn waxa sababaaya cudurku ku ahya ee urtikaria.

DAAWEYNTU waxay badanaa ka koobantahay talaabooyin dhowr ah, iyada u jeedadu tahay in calaamadaha la xadido. In cudurka si sax ah loo xaqiijiyaa waxay shardi u tahay in daaweyn sax la bilaabo. Daaweynta la siiyo badanaa dadka qaba cudurka dabada dheer ee finanka soo baxayaan waxa weeye antihistamin oo qiyaas badan laga siiyo, isla markaana laga ilaaliyo waxyaabaha kicinaaya. Haddii daawada antihistamin qofka waxba ka tari weydo, waxa markaa xal noqon kara in Dhakhtarka maqaarku uu daaweyn joogta ah laga bilaabo.

La noolaanshaha cudurka dabada dheer ee urtikaria

In lala noolaado cudurka dabada dheer ee urtikaria aad bay u adkaan kartaa, maadaama ay saamayn karto, caafimaadkaaga jireed, caafimaadkaaga maskaxda iyo xiriiradaada. Daraasadu ayaa muujinaaya in daaweynta fiicani ay dadka bukaanka ah tayadooda nololeed kor u qaadi karto.

Waxyaabha ugu muhiimsan ee aad sameyn kartid waa in aad la hadashid Dhakhtarkaaga, si aad u heshid daaweynta ugu haboon xanuunkaaga. Haddii calaamadaha xanuunkaaga si fiican loo xadido, way fududaan kartaa in cudurka laga guuleysto.

Ka sii akhri xuquuqdaada marka uu ku hayo xanuun daba dheer!

Haddii aad haysid su´aalo ku saabsan xuquuqdaada markad aad qabtid xanuun dabodheer, la soo hadal FFO telefoonkooda xuquuqda, Telefoonlambar +47 23 90 51 55