Psoriasis waa cudur waxati baden oo dhaawac iyo dhibaato ku keena maqaarka. Cudurka waxa lagu gartaa in samayska inugyada maqaarku ay si ka dhakhso badan sida caadiga ah u samaysmaan, taas oo ay sabab u tahay qalooc ku yimaada difaaca jirka. Tani waxa ay keensanaysa barar ku yimaada maqaarka, kuwaas oo u muuqda baro bararay oo qolofi saarantahay.

Sawiro: iStock

Ku saabsan cudurka psoriasis

Psoriasis waa cudur ku dhaca maqaarka oo keensada baro buuran, oo goos-goosa oo qolof dhacaaya(«daylimo»). Midabka daylimohu wuxu ku xiran yahay nooca jirka. Dhamaan dadka leh cadowga iftiinka ah waxaa loo arkayaa khadraan ama roosho. Dadka leh meelaha dhagaxa daarka ah waxaa loo arkayaa mid lagu soo koobi karo ee buni, liilin, ama meydad. Qolofdhaca daylimooyinka waxa aan u naqaanaa «skjelling» kaas uu midaabkiisu yahay er cadaan/dahabi.

Shahaaddada halista ah way ku kala duwan tahay qof ilaa qof. Inta badan waxay leeyihiin meelo yaryar oo psoriasis ah, halka kuwa kalena ay qabaan cudurka psoriasis oo daran halkaasoo ay jiraan meelo waaweyn oo maqaarka ah oo leh finan cadho ah, xanuunka kala goysyada iyo calaamado kale.

PSORIASIS WAA XANUUN WAXATI BADEN taas oo sida caadiga ah in ay mudooyinka qaar jiraan marar aanad calaamadaha isku arkayn ama isku arkaysid calaamado fudud, iyaga oo ay xigaan mudooyin calaamaduhu khatar yihiin.

XAQIIJINTA CUDURKA waxa goynaaya Dhakhtar (Dhakhtarka rasmiga ah ama Dhakhtarka maqaarka) iyada oo lagu salaynaayo bukaanka xanuunadiisa iyo shaybaadh maqaarka ah. Sida caadiga ah looma baahna baadhitaano kale, laakiin haddii Dhakhtarku ka shakiyo tijaabo maqaar (biopsi) ayaa finka laga qaadi karaa.

Sabab

Sababta keenta cudurka psoriasis waxyaabo isku dhafan bay ka kooban tahay, si buuxdana looma koobin, laakiin waxan ognahay in sababta ay ka qeybqaataan arrimaha la xiriirra difaaca jirka, hidaha iyo bii´ada qofku deggan yahay. Mid waan oganahay: Cudurka Psoriasis lama kala qaado. Cudpurka qaadi meysid haddii aad taabatid cid qabta psoriasis, haddii qofkaa la wada dabaalanaayo iyo haddii qofkaa loo galmoonaayo. Sida caadiga ah cudurka psoriasis waxbaa dhaliya, taas oo keenta in caalaamaduhu ay yimaadaan ama kordhan. Waxyaabaha dhaliya qof ilaa qof way ku kala duwan yihiin, waaxana ka mid ahaan karaa caabuuqa bakteriyada sterptokokk, stress (xasilooni darro), dhaawac jireed/cuncun (Købners fenomen) ama isbeddel ku yimaada hoormoonda jidhka.

Cudurka iyo xadidda goobta uu ku dhacay

Cudurka Psoriasis sida caadiga ah waxa keena meelo maqaarka ka mid ah oo qalalan oo ay fuushay qolof. Dadka qaar waxay dareemaan in cudurka psoriasis uu ku keeno xoqniin iyo damaq.

Waxa jira noocyo kala duwan psoriasis ka mid ah, oo mid kasta calaamad iyo goob gooni ah ku dhaco. Noocyada qaar way ka imaansho ogyihiin kuwa kale, noocyo dhowrana way isugu jiri karaan.

  • Diilimooyinka cudurka psoriasis (Plakkpsoriasis) (sawiro) waa nooca caadiga ee Dadka waaweyn ku dhaca. Calaamadihiisana waxa lagu gartaa daylimo xadidan oo qolof leh, badanaana waxa u uku yimaadaa madaxa guntiisa, suxulada iyo ruugaga. 
  • Cudurka maqaarka ee psoriasis (Hodebunnspsoriasis) (sawiro) waa nooc ka mid ah Plakkpsoriasis. Waxa uu ku yimaada qeyb ama madaxa guntiisa oo dhan.
  • Guttate psoriasis (sawiro) waa nooca ugu cadisan ee ku dhaca dhalinta iyo dhalinyarada waxaanu ku xiran yahay caabuqa ku dhaca cunaha oo ay sababaan bakteeriyada streptokokk. Noocaan ka mid ahpsoriasis si kedis ah buu u yimaada, waxaanu u eegyahay sida dhibic ay qolofi saarantahay. Kaas uu jidhka meelo badan kaga dhaca. Guttate psoriasis wuxuu isku bedeli karaa plakkpsoriasis.
  • Invers psoriasis (sawiro) waxa uu qolof ku keenaa laalaabka maqaarka sida kilinkilada, gumaarka, laalaabka caloosha hostiisa iyo laalaabka laabta hosteeda. Psoriasiskan waxa uu keenaa, qolfo waaweyn oo siisiibanyaa oo maqaarka qeybo ka mid ah ama dhamaantii oo ku wada dhaca.
  • Neglepsoriasis (sawiro) noocan waxa uu ku iman karaa dhamaaan cudurada psoriasis oo dhan, isbeddelna waxa uu ku keenaa cidiyaha. Isbeddeladani waxa ay ku kala duwanaan karaan in ay noqdaan calaamado yaryar oo cidiyaha ku dhaca ilaa in ay cidiyaha ku keenaan cuf, qalooc iyo isbeddel midab. Cidiyuhuna way daadan karaan.

Xanuunka iyo dhaawaca ay sababtay psoriasis waxa uu saameyn ku yeelan karaa xubno iyo unugyo kale. Dadka qaba psoriasis sida awgeed waxa ay dareemi karaan caafimaad darooyin kale, oo ay ka mid tahay waxa loo yaqaano komorbiditet. Tani waxa ay khuseysaa gaar ahaan qofku marka heerka cudurka psoriasisartritt uu gaaro meel khatar ah oo tusaale ahaan noqon kara cudurada wadnaha iyo xididada, dhibaato ku dhacda dheefshiidka, walaac, murugo, cudurka macaanka. 10-15 % dadka qaba cudurka psoriasis waxay qaadaan cudurka laalaabatooyinka ee (psoriasisartritt). 

 
Sawiro: Daylimaha cudurka psoriasis oo ku dhacay ruug iyo gacan (iStock).

Immisa qof ayaa qaba cudurka​ psoriasis?

Waxa li filayaa in qiyaastii 3.8-4.6 % dadka deggan Norway qabaan cudruka maqaarka psoriasis (tirokoob sannadka 2023). Calaamaduhu waxay bilaabmaan qofku markuu yahay 15-25 sano, lakiin da kasta way qaadi kartaa. Qiyaastii in isku mid ah ayaa ragga iyo dumarka kaga dhacaa, da kastana wuu ku dhacaa..

Saadaasha iyo daaweynta

Ma jiro daaweyn lagaga bogsanaayo cudurka laalabatooyinka ee psoriasis, laakiin haddi qofka daaweyn mudan la siiyo waxay ka khafiifin kartaa kaarka laalaabatooyinka iyo xanuunka, isla markaana kor u qaadi kartaa isticmaalka laalaabatooyinka.

DAAWEEYNTA waxa maamulyaa nooca iyo kahtarta cudurka psoriasis ee kugu dhacay gaadhsiisanyahay. Waxa jira daaweyno badan oo lagu daweyn karo cudrka psoriasis, men å laakiin in la garto ta ugu wanaagsani wey adagtahay. Daaweyntu had iyo jeer waxa ay ka bilaabantaa in mesha uu ku dhacay cudurka la daweeyo (talaabada 1aad), haddii daaweyntani waxba caawin weydo, talaabada xigta ayaa la tijaabinayaa.

TALAABADA 1AAD: Daaweynta goobta

  • Qolofta oo meesha laga fujiyo
  • Qubeys caafimaad
  • Daawooyinka Dhakhtar qoray: kiriimyo, kiriimka dhayidda, jelee, daawooyinka dareeraha ah ee maqaarka la mariyo, shamboo iwm.

TALAABADA 2AAD: Daaweynta laydhka

TALAABADA 3AAD: Daaweynta joogtada ah

  • Daawooyinka aan noolaha laga sameyn

TALAABADA 4AAD: Daawooyinka lagu dheelitiray difaaca jirka

  • Daawooyinka noolaha ah
  • U dhigma daawooyinka noolaha ah

Xog dheeraad ah oo ku saabsan cudurka psoriasis oo norwiiji ku qoran halkan ka sii akhri. 

La noolaansha psoriasis

In kasta oo cudurka psoriasis cuncun yar u yahay dadka qaar, waxay aad u saameyn kartaa tayadaada nololeed haddii cudurkani halis kugu noqdo. Cudurka psoriasis waxa uu saameyn u yeelan karaa xiriiradaada iyo sida aad u maaraynaysid degenaansho la´aanta(stress). Waxa xataa uu saameyn ku yeelan karaa meelo noloshaada ka mid ah oo aanad filan, sida dharka doorbidaysid in aad xiratid.

NIDAAMYADA DHEEFTA. Qofka qaba cudur dabo dheeraanaya waxa uu xaq u yelaanayaa in uu helo taageero uu ku soo qaato daawooyinka dufaanka leh iyo daawooyinka Dkakhtarku qoro. Si wixii kharash ah dawladdu(folketrygden) kuugu soo celiso, marka hore waa in aad codsatid oo nidaamka laguu ogolaado, codsigaas oo uu gudbinaayo Dhakhtarkaaga maqaarka.

Halkan ka sii akhri xuquuqdaada, iyada qaddarka iyo sida uu kharashku kuugu soo noqon karo!

KARTIDA SHAQADA IYO HAQABTIRKEEDA Dadka qaba cudurka laalaabmaqaarka ee psoriasis si fiican ayey u shaqeyn karaan markay shaqada joogaan haddi xaaladaha loo haqabtiro. Haqab tirku waa mas´uuliyad saaran Loo shaqeeyaha, isaga oo markaa la kaashanaaya Dhakhtar, ayaa goobtaada shaqo loo waafajinayaa sida ugu haboon shaqada aad qaban kartid.

Haddii aad haysid su´aalo ku saabsan xuquuqdaada markad aad qabtid xanuun dabodheer, la soo hadal FFO telefoonkooda xuquuqda, Telefoonlambar +47 23 90 51 55